Isku xirrada

Kheyre oo Ethiopia Kala Hadlay Maxaabiista Soomaalida


Kheyre

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa ka wada hadlay sidii maxaabiis Soomaali ah looga sii dayn lahaa xabsiyada dalka Ethiopia.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA, wada-hadalladan ayey labada mas’uul ku yeesheen qadka taleefonka.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayey wakaaladdu sheegtay, inuu aqbalay codsiga ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ee ah in maxaabiis hor leh oo Soomaali ah laga sii daayo xabsiyada Ethiopia.

Warkan laguma sheegin goorta maxaabiista Soomaalida ah laga soo dayn doono xabsiyada Ethiopia iyo tiradooda intaba.

Dhawaan ayaa dowladda Itoobiya waxay ku soo wareejisay dowladda Soomaaliya maxaabiis tiradooda ay ahayd 140 qof, oo dib loogu soo celiyey magaalada Muqdisho.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG