Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Simeone oo qandaraas cusub u saxiixay Atletico Madrid


Tababaraha kooxda Atletico Madrid Diego Simeone ayaa saxiixay qandaraas cusub oo kooxda kusii hayn doona illaa sanadda 2020, sida ay kooxda maanta ku dhawaaqday.

Simeone oo xilli cayaareedkii tagay Atletico ku hogaamiyey kaalinta saddexaad ee horyaalka La Liga iyo afar dhammaadka koobka horyaalada Yurub, ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo laba sano ah oo beddelaya heshiiskii hore oo dhacaya sanadda 2018.

Bayaan kasoo baxay kooxda ayaa lagu yiri “Heshiis kordhinta Digeo Pablo Simeone waa dhab. Macalinkeeena wuxuu saxiixay qandaraas kooxda kusii hayn doona ilaa bisha June 30, 2020”.

Simeone ayaa waxaa marar badan lala xiriiriyey qaar ka mid ah kooxaha ugu weyn Yurub, oo ay ku jiraan Paris Saint-Germain, Arsenal, Chelsea iyo Inter Milan.

Simeone ayaa horey ugu cayaari jiray kooxda Atletico Madrid, wuxuuna sanaddii 1996-kii kula guuleystay horyaalka La Liga iyo koobka Copa del Ray.

XS
SM
MD
LG