WASHINGTON. D.C —
Guddiga doorashada dalka Kenya ayaa sheegay in doorasho kale oo cusub oo ay ku tartami doonaan madaxweyne Uhurru Kenyata iyo hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga la qaban doono 17-ka bisha October.
Guddiga doorashada waxay sheegeen in go,aankani ay qaateen iyaga oo raacaya amarka Maxkamadda Sare ee lagu buriyey sharciyadda natiijadi doorashadi dalkaasi ka dhacday bishi hore.
Maxkamadda ayaa amartay todobaadki hore in la qabto doorasho kale muddo 60 cisho gudahood.
Doorashadan cusub ayaa kaliyah waxaa ku tartami doona madaxweynaha hadda talada haya iyo hogaamiyaha mucaaradka oo ahaa musharaxiinti ugu codka badnaa doorashadi madaxtinimo ee bishi August.