Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Falanqeyn: Maxaa Lagu Maagayaa Muslimiinta Myanmar


Qaar ka mid ah qaxootiga dadka Rohingya oo ku sugan marinka looga gudbo xadka Myanmar iyo Bangladesh Sept. 2, 2017.
Qaar ka mid ah qaxootiga dadka Rohingya oo ku sugan marinka looga gudbo xadka Myanmar iyo Bangladesh Sept. 2, 2017.

Kumannaan kun oo ka mid ah Muslimiinta dalka hadda loo yaqaano Myanmar balse la oran jiray Burma ayaa gaaray dalka Bangladesh kadib marki ay guryahoodii kasoo barakiciyeen ciidamada dalka Myanmar.

Arrintan ayaa waxaa ay keentay cambaareyn caalami ah oo loo jeedinayo xukuumadda Myanmar oo lagu eedeynayo in ay sameyneyso isir sifeen ka dhan ah qowmiyad laga tira badanyahay.

Dadkan ayaa sheegay in guryahoodii la gubay lana soo barakiciyey. Ilaa 75 kun oo qof ayaa la sheegay inay haatan soo gaadheen dalka Banagladhesh.

Jacfar Kuukaay ayaa qalalaasahan ka waraystay Sheekh Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar oo ka faallooda arrimaha Islaamka kuna sugan London.

Dhageyso wareysiga Muslimiinta Rohingaha ku saabsan
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:12 0:00

XS
SM
MD
LG