Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Maxkamadda Sare Oo Laashay Natiijada Doorashadii Madaxtinnimo


Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga, oo ka sii baxaya maxkamadda sare Kenya, kaddib go'aanka maxkamadda. September 1, 2017. REUTERS
Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga, oo ka sii baxaya maxkamadda sare Kenya, kaddib go'aanka maxkamadda. September 1, 2017. REUTERS

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay natiijada doorashadii madaxtinnimo ee bishii la soo dhaafay, taas oo la sheegey in uu ku guuleystay madaxweynaha xilka haya ee Uhuru Kenyatta.

Maxkamadda ayaa sheegtay Jimcihii in guddiga doorashada ay ku kaceen khaladaadyo iyo sharci darro in tii lagu jiray codeynta, taas oo dhaawacdey kalsoonida doorashada.

Hoggaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga, ayaa dacwad ka geeyay natiijada doorashada dhacdey August. Waxa uu Odinga leeyahay, natiijada sheegeysay in Kenyatta uu kaga guuleystay isaga doorashada codad gaaraya hal milyan iyo afar boqol oo kun cod ay yihiin kuwa been ah.

Dastuurka Kenya ayaa dhigaya in doorasho cusub lagu qabto muddo lixdan cisho gudaheed.

Tan iyo maalinkii doorashada, xubnaha isbaheysiga mucaaradka ee NASA ayaa ku doodayay in loo dhacay hannaanka codadka lagula socdo, islamarkasina ay taasi keentay in doorashada la xado.

XS
SM
MD
LG