Isku xirrada

Ciraaq oo Ku Dhawaaqday Inay Qabsatay Tal Cafar


Haider al-Abadi

Ra’isulwasaaraha dalka Iraq Haider al-Abadi ayaa ku dhawaaqay in ay dib uga qabsadeen kooxda Daacish magaalada Tal Afar iyo guud ahaan gobolka Nineveh (Ninweh).

Bayaan uu kasoo saaray xarunta madaxtooyada ee magaalada Baghdad ayuu Al-abadi ku sheegay in guud ahaan magaalada Tal Cafar ay hadda ku jirto gacanta ciidanka qalabka sida.

Taliyaha xoogaga isbaheysiga ee uu Mareykanka hogaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Daacish Gen. Stephen Townsend ayaa ku amaanay ciidamada Ciraq guusha kama danbeysta ah ee ay kasoo hooyeen magaalada Tal Afar.

Howlgalka magaalada Tal Afar oo 80-km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Mosul ayaa bilowday 20-ki bishi August ee aanu kasoo gudubnay.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG