Isku xirrada

Tottenham oo lasoo saxiixatay Serge Aurier


Serge Aurier

Kooxda kubadda cagta Tottenham ee dalka Ingiriiska ayaa lasoo saxiixatay daafaca garabka midig ee kooxda PSG, Serge Aurier, oo ay kusoo iibsatay 23 milyan oo gini.

Cayaaryahankan u dhashay dalka Ivory Coast oo 24 jir ah ayaa saxiixay heshiis shan sano ah oo socon doona illaa sanadda 2022.

“Waa bilow ii cusub, waxaana iga go’an inaan muujiyo kartideyda” ayuu yiri laacibkan oo hadlay kadib ku biiristiisa kooxda Tottenham

Dhinaca kale naadiga Tottenham ayaa ku dhow saxiixa laacibka kooxda Swansea Fernando Llorente, kadib markii ay heshiis la gaartay kooxdiisa.

Cayaaryahankan 32 jirka ah, ayaa la sheegay inuu naadiga Spurs uga fariisan doono lacag dhan 15 milyan oo gini.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG