Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Alex Oxlade-Chamberlain oo ku biiray Liverpool


Alex Oxlade-Chamberlain
Alex Oxlade-Chamberlain

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa lasoo saxiixatay xiddigii koxoda Arsenal iyo xulka qaranka England Alex Oxlade-Chamberlain.

Laacibkan ayaa naadiga Liverpool ugu wareegaya lacag dhan 40 milyan oo gini oo ay kooxaha Arsenal iyo Liverpool ku heshiiyeen.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa ka tagay Arsenal kadib markii uu ku gacan seeray inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda, waxaana qandaraaskiisa uu ku ekaa xilli cayaareedkan.

Naadiga Arsenal oo lumin kartay xiddigan ayada oo aan wax lacag ka helin, ayaa go’aan ku gaartay inay iibiso, si ay faa’iido uga hesho.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa ka hor Liverpool, wuxuu ku gacan seeray inuu ku biiro kooxda Chelsea, oo sidoo kale heshiis 40 milyan oo gini ah la gaartay Arsenal.

Waxaa la sheegay in sababta uu Liverpool u doortay ay tahay ayada oo loo ballan qaaday inuu qadka dhexe ka cayaarayao, halka Chelsea ay dooneysay inay garabka midig ka cayaarsiiso.

XS
SM
MD
LG