Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Stevan Jovetic oo Ku Biirey AS Monaco


Stevan Jovetic
Stevan Jovetic

Kooxda AS Monaco ee dalka Faransiiska ayaa heshiis afar sano ah la saxiixatay xiddigii hore ee kooxda Inter Milan Stevan Jovetic.

Weerar yahanka u dhashay Montenegro, ayaa Inter Milan kaga soo biirey kal hore heshiis qaab amaah ahaan ku bilowdey kooxda Man City, iyadoo markii dambena uu heshiis rasmi ah Inter la gaaray.

27 sano jirkan, ayaase xilliyadii ugu dambeeyay ka maqnaa Inter, isagoo ammaah ugu cayaarayay kooda Sevilla ee dalka Spain.

Jovetic, ayaa noqonaya ciyaar yahankii sagaalaad ee AS Monaco ay xagaagan la soo wareegto.

XS
SM
MD
LG