Isku xirrada

War Deg-Deg ah

City oo xoojisay dadaallada ay ku dooneyso Sanchez


Alexis Sanchez
Alexis Sanchez

Manchester City ayaa xoojisay dadaallada ay ku dooneyso inay kula soo wareegto xiddiga kooxda Arsenal iyo xulka Chille Alexis Sanchez, ayada oo wax ka yar 72 saacadood ay ka hareen xilliga uu xirmayo suuqa kala iibsiga cayaartoyda.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in City ay diyaar u tahay in Arsenal ay siiso Raheem Sterling iyo lacag, si ay ula soo wareegto Sanchez.

Macallin Pep Guardiola ayaa lagu warramay inay ka go’an tahay inuu 29 jirkan keeno garoonka Eithad, ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga, maalinta khamiista.

Warbaahinta dalka Chile ee T13 ayaa maanta sheegtay in Sanchez uu weydiisto xulka Chile, oo uu tababar la qaadanayey, in la fasaxo si uu arrimo u gaar ah usoo dhameeyo.

Dhinaca kale, warar ayaa sheegaya in Arsenal ay dooneyso Sergio Aguero in sidoo kale uu heshiiska qeyb ka noqdo, inkasta oo City ay ku adkeysaneyso in laacibkaas uusan iib ahayn.

Sanchez ayaa la sheegay inuusan ku faraxsaneyn joogitaanka arsenal oo uu doonayo inuu ka tago.

XS
SM
MD
LG