Isku xirrada

Minneapolis: Waddo Loogu Magac Daray Xuseen Samatar


Minneapoli: Dhagaxdhigga waddada Xuseen Samatar.

Magaalada Minneapolis waxaa shalay la dhagax dhigay waddo loogu magac daray Allaha u naxariistee Xuseen Samatar oo ahaa mas’uulkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee dalkan Mareykanka xil looga doorto.

Xuseen ayaa sidoo kale ahaa asaasihii Xarunta Afrikan Development Center oo ah goob hormarisa dhaqaalaha dadka afrikaanka ee gobalkan Minnesota.

Dadki kasoo qeybgalay munaasabaddi dhagaxdhigidda ayaa waxaa ka mid ahaa duqa Minnepolis Betsy Hodges, Duqii hore ee magaalada RT Reyback, Cabdi Warsame oo Xubin ka ah golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis, Mas’uuliyiin iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobalka Minnesota.

Hadaba wariyaha VOA ee Minnesota Maxamuud Mascadde ayaa wareystay Xaaskii Xuseen Samartar, Ubax Cali Jaamac Biixi oo ka qeybgashay xafladdii dhagax dhigga.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG