Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Liverpool oo heshiis ka gaartay saxiixa Naby Keita


Naby Keita
Naby Keita

Kooxda Liverpool ayaa heshiis ka gaartay saxiixa Naby Keita oo qadka dhexe uga cayaara kooxda RB Leipzig ee dalka Jarmalka, wuxuuna kusoo biirayaa kowda july ee 2018.

Liverpool ayaa bixisay 48 milyan oo gini oo ah heshiis nasakha laacibkan ee xilli cayaareedka dambe iyo lacag kale oo dheeri ah oo u ogolaaneysa in heshiiska iminka la gaaro.

22 jirkan ayaa muddo diiradda u saarnaa macallinka Liverpool Jugen Klopp, oo isku dayayey inuu lasoo wareego xilli cayaareedkan, hase yeeshee kooxda RB Leipzig ayaa diiday inay sanadkan iibiso.

Wararka qaar ayaa sheegaya in lacagta guud ee heshiiska ay gaareyso 70 milyan oo gini.

Cayaaryahankan ayaa noqon doona xiddigii ugu qaalisanaa ee Liverpool ay iibsato, wuxuuna ka sare marayaa Andy Caroll loo ay Liverpool ku iibsatay 35 milyan oo gini, sanaddii 2011.

XS
SM
MD
LG