Isku xirrada

Duufaan iyo Roobab Weli ka Socda Houston


Interstate highway 45 is submerged from the effects of Hurricane Harvey seen during widespread flooding in Houston, Texas, Aug. 27, 2017.

Magaalada Houston iyo deegaanada ku dhow ee gobolka Texas ayaa waxaa weli garaacaya roobab duufaano wata, oo la filayo inay sii socdaan maalmaha soo aadan, ayada oo kooxaha gurmadka ay isku dayayaan inay gaaraan dadka ku dhex xanniban daadadka.

Dadka bixiya saadaasha hawada ayaa sheegaya in duufaanta loo bixiyey Harvey ee xeebaha soo gaartay jimcihii la filayo inay 25 cm oo dhibco roobaad ah keento illaa caawa, taasi oo sii buuxin doonta magaalada Houston oo ah magaalada afaraad ee ugu weyn Mareykanka.

Gobolka ayaa wxaaa illaa iyo hadda ku da’ay roobab 60 cm gaaraya.

Sadaaliyaha xarunta saadaasha cimilada Mareykanka, Patrick Burke ayaa VOA u sheegay in qiyaastii 40 illaa 60 CM roobab ah la filayo inay ku da’aan halkaas illaa maalinta arbacada.

Roobabkan iyo duufaanta ku dhuftay Houston iyo magaaloyinka ku dhow ayaa la sheegay inay yihiin kuwii ugu xumaa ee magaalada ka da’a.

Illaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyey in laba qof ay ku dhinteen duufaanta.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG