Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Liverpool oo Si Xaraga Leh Uga Badisay Arsenal


Sadio Mane
Sadio Mane

Kooxda Liverpool ayaa si xaraga leh uga badisay Arsenal, kadib marki ay 4-0 ku garaacday ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Ingiriiska taasoo galabnimadi Sabtida ku dhexmartay garoonka Anfield ee magaalada Liverool.

Liverpool oo mar walba si aad ah u weerareysay jihada goolka Arsenal ayaa waxaa bandhiga goolasha u furay Roberto Firmino oo madaxa la helay kubad uu usoo karoosay Joe Gomez.Goolka labaadna waxaa ku fara yareestay laacibka u dhashay dalka Senegal ee Sadio Mane.

Goolasha kale oo yimid qeybti labaad ee ciyaarta ayaa waxaa kala dhaliyey xidiga dalka Masar Mohamed Salah oo isagu kubadd uu kasoo qaatay bartamaha garoonka daba mariyey goolhayaha Arsenal, iyo weeraryahan Daniel Sturridge oo baddal kusoo galay.

Macalinka Arsenal Wenger ayaa kursiga keydka tagay laacibka uu lacagta badan kasoo bixiyey ee Alexandre Lacazette, kaasoo uu badal ku keenay qeybti danbe ee ciyaarta balse waxba kuma uusan soo kordhin.

Ciyaar kale oo ka tirsaneyd horyaalka Ingiriiska ayaa galabta dhexmartay kooxaha Tottenham iyo Burnley, waxaana ay kusoo dhamaatay 1-1. Tottenham waxaa goolka u dhaliyey Dale Ali halka Burnley uu goolka bareejada u keenay Chris Wood.

XS
SM
MD
LG