Isku xirrada

Chelsea oo Ka Badisay Everton


Britain Football Soccer - West Bromwich Albion v Chelsea - Premier League

Kooxda Chelsea ayaa soo xareysatay guusheedii labaad ee horyaalka Premier League-ga Ingiriisa ee xilli ciyaareedkan, kadib marki ay galabta si fudud uga badisay kooxda Everton.

Chelsea oo si weyn ugu gacan sarreysay ciyaartan ayaa waxaa goolasha u kala dhaliyey labada laacib ee reer Spanain Cesc Fabregasiyo Alvaro Morata.

Kooxda uu leyliyo macallin Conte ayaa u muuqata in ay cagta saartay waddadii guulaha ka gadaal marki ay guuldarro ku bilaabeen kulankoodii furitaanka horyaalka, ka hor inta aysan todobaadki hore ka badin kooxda Tottenham.

Ciyaaraha kalana, kooxda West Brom ayaa iska khasaarisay fursad ay kusoo qaban laheyd kooxda Manchester United oo hadda heysa hogaanka, kadib marki ay barbarro 1-1 ah la gashay Stoke.

Goolka waxaa la hormartay West Brom waxaana u dhaliyey Jay Rodriguez, balse khalad ay sameeyeen Ahmed Hegazi, Ramadan Sobhi iyo goolhaye Ben Foster ayaa waxaa ka faa,ideystay Peter Crouch oo madaxa ku dhaliyey shabaq maran.

Ciyaaraha kalana hadda ay socdaan, wixi kusoo kordhana halkaan ayaad kala socon doontaan.


XS
SM
MD
LG