Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Goor Dhaweyd Ka Dhacay Muqdisho


Qarax
Qarax

Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay waddada ugu mashquulka badan magaalada ee Maka Al-Mukarama.

Goobjooge ayaa VOA u sheegaya in waxa qarxay uu yahay baabuur la dhigay meel u dhow halka lagu magacaabo Xaaji Baasto oo ku taal Maka Al-Mukarama.

Qarax xooggan ayaa laga maqlay goobta, waxaa kale oo dadweynaha magaalada ay meel fog ka arkeen qiiq ka baxayey halkaais.

Ilaa haatan ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxan.

Warar hordhac ah oo soo gaaray VOA ayaa sheegaya in booliisku ay ka shakiyeen baabuurkaasi inuu qarax sido kadibna ay dadwyenaha ka joojiyeen inay goobta maraan, daqiiqado kadibna uu baabuurku qarxay.

XS
SM
MD
LG