Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Milatariga Ciraaq oo Qabsaday Qeybo Ka Mid ah Tel Afar


Muuqaalka dagaalka Tel Afar.
Muuqaalka dagaalka Tel Afar.

Milatariga Ciraaq ayaa sheegay in ay dib uga qabsadeen kooxda Daacish inta badan magaalada Tal Afar ee ku taala dhinaca waqooyigalbeed ee dalka Ciraaq.

Wasiirka arrimaha dibadda Ciraaq Ibrahim al-Jaafari ayaa sheegay in ay ciidanka la dagaalanka argagixisada ka taageen calanka Ciraq qalcada qadiimiga ah ee la dhisay xilligii Cusmaaniyiinta ee ku taalla bartamaha magaalada Tal Afar.

Shir jaraa,id oo ay si wada jir ah ugu qabteen magaalada Baghdad Al-Jacfari iyo wasiiradda difaaca Faransiiska Florence Parly ayuu ku sheegay in todobaatan boqolkiiba la xoreeyey magaalada, inta harsanna ay dhawaan gacanta ku dhigi doonaan.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in qorshu uu yahay in magaalada Tal Afar laga xoreeyo Daacish ka hor maalinta Ciidul Adha oo dalka Ciraq looga dabaaldagi doono 2-da bisha September.

Holgalka xoreynta magaalada Tal Afar ayaa bilowday 20-ki bishan Agust, waxaana ka qeybgalaya ciidamada Ciraq oo garab ka helaya milatariga Mareykanka.

XS
SM
MD
LG