Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kuuriyada Waqooyi oo Ridday Saddex Gantaal


Saraakiil ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa xaqiijiyey in Kuuriyada Waqooyi ay Jimcihii gantay dhowr gantaal oo ah kuwa riddada gaaban kuwaasoo midkoodna uusan gaarin bartilmaameedki loogu talagalay.

Afhayeen u hadlay taliska ciidanka Mareykanka ee Baasifiga, ayaa sheegay in Piyongyang ay tijaabisay saddex gantaal oo is xigxigay. Wuxuu tilmaamay in kan koowaad iyo kii saddexaad ay ku burbureen waqtigi tuuritaanka, kalka kan labaad uu qarxay isla markiiba.

Mareykanka ayaa sheegay in gantaaladaasi uu midna halis gelin Waqooyiga America ama jaziirada Guam ee uu leeyahay Mareyanka.

XS
SM
MD
LG