Waxaa shalay la sameeyey isku aadka wareega koowaad ee koobka Europa Leage ee Qaarada Yurub.
Kooxda Arsenal oo 20-ki sano ee lasoo dhaafay aanan marnaba ka maqnaan tartanka ugu weyn dhinaca kubada cakta Yurub ee Uefa Champions League ayaa sanadkaan aanan lugta saari doonin koobkaas, kadib marki ay xilli ciyaareedki hore ka mid noqo weysay 4-ta koox ee ugu sareysa horyaalka Ingiriiska.
Waxaase ay fursad u heshay tartanka Europa Leage. Hadda Arsenal waxay ku jirtaa kooxda H, oo ay sidoo kale qeyb ka yihiin kooxaha BATE Borisov, Cologne, Red Star Belgrade.
Kooxaha caanka ah ee sanadkaan ku jira Europa Leage waxaa ka mid ah, AC Milan oo 7 jeer qaaday koobka Uefa Champions League, sidoo kale waxaa ku jira Villarreal, Lazio, Marseille, Athletic Bilbao, Lyon, Everton iyo Atalanta.
Guud ahaan isku aadka wareega koowaad ayay kooxuhu isugu dhaceen sidaan:
Group A: Villarreal, Maccabi Tel Aviv, Astana, Slavia Prague.
Group B: Dynamo Kiev, Young Boys, Partizan Belgrade, Skenderbeu.
Group C: Sporting Braga, Ludogorets, Hoffenheim, Istanbul Basaksehir.
Group D: AC Milan, Austria Vienna , Rijeka, AEK Athens.
Group E: Lyon, Everton, Atalanta, Apollon Limassol.
Group F: FC Copenhagen, Lokomotiv Moscow, Sheriff Tiraspol, FC Zlin.
Group G: Vitoria Plzen, Steaua Bucarest, Hapoel Beer-Sheva, FC Lugano.
Group H: Arsenal, BATE Borisov, Cologne, Red Star Belgrade.
Group I: Salzburg, Marseille, Vitoria Guimaraes, Konyaspor.
Group J: Athletic Bilbao, Hertha Berlin, Zorya Luhansk, Ostersund.
Group K: Lazio, Nice, Zulte Waregem, Vitesse Arnhem.
Group L: Zenit St Petersburg, Real Sociedad, Rosenborg, Vardar.