Isku xirrada

Kabul: Weerar Dad Badan Lagu Dilay oo lagu Qaaday Masjid


Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday masjid shiicada ay ku tukadaan oo ku yaalla magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan ayaa lagu dilay 16 qof oo ay ku jiraan haween, caruur iyo saraakiil boolis.

Weerarka oo dhacay intii lagu guda jiray salaadidi Jimcaha ayaa waxaa lagu dhaawacay dhowr qof oo kale.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan Najib Danish ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan hal qof uu isku qarxiyey albaabka laga galo masjidka Imam Zaman, ayada oo dhowr qof oo kalena ay galeen gudaha.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay inay dhawaqa rasaasta ka maqlayeen gudaha masjidka.

Goobjooge ayaa sheegay inuu arkay ugu yaraan saddex haween iyo dhowr caruur oo dhaawac ah, islamarkaana yaalla sagxadda masjidka.

Masjidka Imam Zaman ayaa waxa uu ku mid ah kuwa ugu weyn masaajidda shiicada ee ku yaalla halka weerarka uu ka dhacay.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, hase yeeshee weerar horey loogu qaaday shiicada Kabul ayaa waxaa sheegtay kooxda Daacish ee deegaanka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG