Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Man City oo ka hartay loolankii loogu jiray saxiixa Mbappe


Kylian Mbappe
Kylian Mbappe

Manchester City ayaa shaaca ka qaaday inay ka hartay loolanka loogu jiro saxiixa xiddiga da’da yar ee kooxda Monaco Kylian Mbappe.

City ayaa waxa ay ka mid ahayd kooxo badan oo shaaca ka qaaday inay daneynayaan saxiixa laacibkan, oo sidoo kale ay doonayaan PSG iyo Real Madrid.

Hase yeeshee agaasimaha cayaaraha ee Manchester City, Txiki Begiristain ayaa ku dhawaaqay in kooxdiisa ay ka tanaasushay doonista 18 jirkan.

“Waan ka harnay loolankii” ayuu yiri Txiki Begiristain, oo intaas ku daray “Waa wax aan macquul ahayn in heshiis aan ku gaarno waqtiga oo aad u yar dartiis”

Mbappe oo 24 gool dhaliyey xilli cayaareedkii tagey, ayaa waxaa aad loogu badinayaa inuu ku biirayo kooxda PSG, tallaabadaas oo ay aad uga horyimaadeen taageerayaasha kooxda Monaco.

XS
SM
MD
LG