Isku xirrada

Duqeymo ay fuliyeen xulufada Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa ugu yaraan 12 qof oo shacab ah ku dilay magaalada Sanca ee caasimadda dalka Yemen, sida ay sheegeen goobjoogeyaal iyo shaqaalaha caafimaadka.

Waxa ay sheegeen in weerarka oo billowday xilli dambe oo xalay ah, islamarkaana socday illaa aroortii uu ka dhacay xaafadda koonfureed ee Faj Attan, halkaasi oo uu dad badan ku aasay dhismayaal soo dumay, uuna burburiyey ugu yaraan laba dhisme.

Khasaaraha dhimasho ee weerarkan ayaa la filayaa inuu sii kordho, ayada oo shaqaalaha gurmadka ay dhibanayaal kasoo saarayaan dhismayaasha dumay.

Toddobaadkii ugu dambeeyey ayaa diyaaradaha xulufada Sacuudiga uu hoggaamiyo waxa ay duqeymo ku dileen ugu yaraan 40 qof oo shacab ah.

Xafiiska xuquuqda aadanaha ee QM ayaa ku baaqay baaritaan madax banaan oo lagu sameeyo duqeyn ay fuliyeen xulufada Sacuudiga oo lala haleelay hotel ku yaalla Sanca, halkaasi oo in ka badan 30 qof oo shacab ah ay ku dhinteen.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG