Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Isreeb-reebka Koobka Europa Leauge oo Lasoo gaba gabeeyey


Monaco Soccer UEFA Draw
Monaco Soccer UEFA Draw

Waxaa xalay lasoo gaba gabeeyey kulamada loogu soo baxayay wareega koowaad ee koobka Europa Leage oo ah tartanka labaad ee ugu weyn tartamada kubadda cakta ee Yurub.

Kooxaha waaweyn ee usoo baxay wareega koowaad ee tartankan ayaa waxaa ka mid ah naadiga Everton ee dalka Ingiriiska.

Waxay bar-barro 1-1 ah la gashay kooxda Hajduk Split ee dalka Croatia. Goolka waxaa la hormartay Hajduk, waxaana u dhaliyey ciyaaryahan Josip Radosevic, balse Everton ayaa ka daba gatay, goolka barbaraha waxaa u saxiixay laacibkooda cusub Gylfi Sigurdsson.

Isugu geynta goolasha labada jeer ee ay kulmeen kooxahan ayaa waxaa 3-1 kusoo baxday naadiga Everton.

Kooxaha kale ee soo gudbay waxaa ka mid ah AC Milan oo xalay 1-0 uga soo badisay kooxda KF Shkendija. Goolka kaliyah ee ay Milan ku badisay waxaa u dhaliyey weeraryahanka da,da yar Cutrone. Labada lug ee ay ciyaareen ayaa Milan waxay kusoo baxeysaa 7-0.

Ciyaaraha kalana, Kooxda Ajax oo xilli ciyaareedki lasoo dhaafay kaalinta labaad ka gashay tartankan ayaa sanadkaan gaari weysay wareega koowaad kadib marki ay 3-2 ku garaacday kooxda Rosenborg. Isu geynta goolasha waxaa 4-2 kusoo baxday Rosenborg.

Natiijooyinka kale ee kulamadi xalay ee ciyaaraha loogu soo baxayey Europa League waxay kooxaha isu arkeen sidaan.

Larnaca 0 - 0 Viktoria Plzen
Dynamo Kyiv 3 - 1 Maritimo
FC Sheriff 0 - 0 Legia Warszawa
Maccabi Tel Aviv 2 - 2 Altach
Oestersunds FK 2 - 0 PAOK Thessaloniki FC
Salzburg 4 - 0 FC Viitorul Constanta
TZenit St. Petersburg 2 - 0 FC Utrecht
FC Olexandria 1 - 2 BATE Borisov
Fenerbahce 1 - 2 FK Vardar Skopje
Suduva 0 - 0 Ludogorets Razgrad
AEK Athens 3 - 0 Club Brugge
FC Midtjylland 1 - 1 Apollon Limassol
Skenderbeu 0 - 0 Dinamo Zagreb
FVideoton FC 0 - 4 Partizan Beograd
Athletic Bilbao 1 - 0 Panathinaikos
Braga 3 - 2 FH Hafnarfjordur
Marseille 3 - 0 Domzale
Crvena Zvezda 2 - 1 FC Krasnodar
Austria Wien 0 - 1 Osijek.


XS
SM
MD
LG