Isku xirrada

Difaaca kooxda Barcelona Gerard Pique, ayaa sheegey in weerar-yahanka naadigaasi Lionel Messi uusan ka tageyn kooxda Barcelona. Pique ayaa sheegey in Messi uu jecel yahay naadiga.

Ninka shanta mar ku guuleystay ciyaartoyga ugu wanagasan dunida, ayaa bishii July shanteedii, waxa uu naadigiisa ay isku raaceen in uu u saxiixo qandaraas cusub, kaas oo ku ekaan doona sanadka 2021. Heshiiskaasi ayaa haddii la saxiixo waxa nasaqiddiisa ay ku kici doontaa 300 milyan oo euro ($354 million).

Inkastoo illaa iyo hadda aanu heshiiskaasi qalinka lagu duugin, ayaa haddana kooxdii bixisa lacagta hadda qandaraaskiisa hore lagu nasaqi karo oo aheyd 250 milyan oo Euro ay la wareegi kartaa.

Balse, daafaca kooxdaasi Pique ayaa qaba in Messi uu sii joogi doono kooxda Barcelona oo uu sheegey in uu aad u jecel yahay.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG