Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Isku Aadka Tartanka Champions League oo Khamiista Lagu Dhawaaqayo


Champions League
Champions League

Isku Aadka Champions League oo Khamiista Lagu Dhawaaqayo
Waxaa maanta lagu wadaa in la sameeyo isku aadka wareega koowaad ee 32-ka kooxood ee koobka kooxaha horyaalada Yurub Uefa Champions League.

Afar qeyb ayaa loo qeybin doonaa sida ay isugu aadayaan kooxahan. Sideeda kooxood ee soo qaaday horyaalada ugu caansan Yurub ayaa la geliyey qeybta koowaad (Pot 1). Kooxahan ayaa kala ah Real Madrid, Bayern Munich, Juventus, Benfica, Chelsea, Shakhtar Donetsk, Monaco, Spartak Moscow.

Qeybta labaad (Pot 2) waxaa ku jira Barcelona, Atletico, Paris Saint-Germain, Borussia Dortmund, Sevilla, Man City, FC Porto, Man United.

Qeybta sadexaad ee (Pot 3) ayaa waxaa isku saf ah Napoli, Tottenham, FC Basel, Olympiakos, Anderlecht, Liverpool, Roma, Besiktas.

Qeybta ugu danbeysa ama (Pot 4) ayaa waxaa ka mid ah kooxaha Celtic, CSKA Moscow, Sporting CP, APOEL Nicosia, Feyenoord, NK Maribor, FK Qarabag, RB Leipzig.


XS
SM
MD
LG