Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kulankii Golaha Wakiilada Somaliland oo uu Buuq Hareeyey


Baarlamaanka Somaliland
Baarlamaanka Somaliland

Fadhi maanta loo ballansanaa ee golaha Wakiillada Somaliland ayaa baaqday ka dib markii buuq uu hadheeyay.

Fadhiga maanta baaqday ayaa la filayay in lagu doorto guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golahaas, hase ahaatee, waxaa hadheeyay khilaaf salka ku haya doorashadii hore ee guddoomiyaha iyo sidoo kale loollan u dhaxeeya musharaxiinta xisbiyada ee xilkan ku-xigeenka u tartamaya.

Xarunta Golaha wakiillada ayaa maanta ciidan xooggan la geeyay, waxaana saxaafadda loo diiday inay gasho dhismaha golaha. Hase yeeshee, sida mudanayaasha qaarkood ay VOA u sheegeen, kulan dambe ayaa loo ballamay axadda soo socota.

XS
SM
MD
LG