Isku xirrada

Sarkaal Shabaab ah oo Isku Dhiibay Dowladda


Shabaab

Sarkaal maleeshiyada Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca caafimaadka ayaa isu dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.

Sida uu VOA u xaqiijiyay taliyaha ciidamada dowladda ee bariga gobalka Galgaduud Jeneraal Axmed Maxamed Tareedishe, sarkaalka isa soo dhiibay waxaa lagu magacaaba Nuur Ibraahim C/llaahi oo gudaha Al-Shabaab loga yaqaano Zakariye, waxaana uu ahaa madaxa caafimaadka kooxda Al-Shabaab ee gobalka Galgaduud.

Zakariye oo da’diisu tahay 19 sano jir, waxaa uu Al-Shabaab ku biiray isagoo 14 jir ah.

Zakariye ayaa xalay Maxaas jooga isu dhiibay, isagoo ka soo baxsanayay in ku dhow 50 maleeshiyada Al-Shabab ah, oo ceyrsanayay ka dib markii ay ka war heleen in uu dhinaca dowladda iska dhiibi rabo.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG