Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nikola Kalinic oo Ku Biiray AC Milan 


AC Milan
AC Milan

Kooxda AC Milan ee dalka Talyaaniga ayaa lasoo wareegtay weeraryahankii kooxda Fiorentina iyo xulka Croatia Nikola Kalinic.

Milan ayaa ku heshay Kalinic si amaah ah balse heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah in ay si rasmi ah ugu gadato 25 sanadka danbe. Wuxuu saxiixay qandaraas 4 sana ah oo dhamaan doona sanadka 2021-ka.

Wuxuu noqonayaa laacibkii 11-aad oo ay xagaagan soo iibsaneyso Milan. Ciyaartooyda caanka ah ee ay keentay waxaa ka mid ah daafacii kooxda Juventus Leonardo Bonucci, kabtanki Lazio Lucas Biglia, xidiga qadka dhexe ee dalka Turkiga Hakan Calhanoglu iyo weeraryahanki hore ee kooxda Porto Silva.

XS
SM
MD
LG