Isku xirrada

Fallanqeyn: Muhiimadda Socdaalka Farmaajo ee Masar


Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Al-Sissi

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay maanta boqasho laba maalmood ah oo uu ku tagay dalka Masar.

Intii uu masar joogay waxa uu kulamo la yeeshay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sisi, Sheekha Azhar, iyo Jaaliyadda Soomaalida ee dalkaas.

War ka soo baxay madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay in Masar ay Soomaaliya ka taageeryso dhinaca dhismaha ciidanka, la dagaalanka iyo la dagaalanka argagixisada.

Booqashada Madaxweynaha ee Masar ayaa ku soo aaday xilli Soomaaliya ay mowqif dhexdhexaadnimo ka taagantahay khilafka wadamada Khaliijka Carabta iyo Qadar oo Masar ay dhinac la jirto.

Habada Booqashadaa saameyn ma ku yeelan kartaa mowqifkii dowladda, su’aashaa iyo kuwo kale ayaa wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan waxa uu weydiiyay Ambassador Cabdullahi Congo, oo muddo dheer ka soo shaqeeyay Jaamacadda Carabta, kuna suggan dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG