Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kheyre oo Magacaabay Wasiirka Howlaha Guud


Xasan Cali Kheyre
Xasan Cali Kheyre

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa galabta magacaabay wasiirka buuxinaya wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Dalka, oo banaaneyd tan iyo bishii May ee sanadkan markii uu geeriyooday wasiirkii xilka hayay Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji.

Ra’iisul wasaaraha ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda ku magacaabay Eng. Saadiq C/llaahi Cabdi, inuu noqdo wasiirka cusub ee wasaaradda howlaha Guud iyo dib u dhiska.

Wasiirkii Jagadan hayey ayaa waxaa bishii may toogasho ku dilay mid ka mid ah askarta dowladda oo ilaalo u ahaa, hanti dhowrkii Qaranka ee markii dambe xilka laga qaaday Nuur Faarax.

XS
SM
MD
LG