Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland: Dad ku Dhintay Biyo ay ka Cabeen Ceel Biyood


Afar qof ayaa u dhintay ku-dhowaad 15 kalena way u liitaan kadib markii sida la sheegay ay biyo ka cabbeen ceel lu yaalla deegaanka tuulada Timirshe ee gobolka Bari.

Hal qoys oo ka kooban shan ruux oo saddex ka mid ahi ay caruur yihiin ayaa la keenay isbitaalka Bilcil ee magaalada Carmo.

Dadka ku suboobay ceel biyoodkan ayaa ah kuwo reer miyi ah oo ku nool dhulka buuraleyda Golis ee gobolka Bari oo ay adag tahay in gaadiidku uu maro.

Weriyaha VOA ee magaalada Boosaaso Fadumo Yaasin Jaamac ayaa isbitaalka Bilcil kula kulantay dhakhaatiirta ku hawlaneyd daaweynta dadkaas waxayna ka waraysatay Dr. Maxamuud Yusur Maxamed oo ka qaybgalaya daaweynta dadkan.

Wareysi: Dr. Maxamuud
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:56 0:00


XS
SM
MD
LG