Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mattis: Maalmaha Daacish waa Tirsamaan


Jim Mattis
Jim Mattis

Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Jim Mattis ayaa maanta sheegay in maalmaha kooxda Daacish ay tirsamaan, isaga oo taxaddar ka muujiyey in ka adkaanshaha gebi ahaan kooxdaas ay tahay arrin aan hadda muuqan.

Mattis ayaa weriyayaasha la hadlay ka hor inta uusan booqasho aan la shaacin ugu duulin magaalada Baghdad oo uu kula kulmayo hogaamiyayaasha Ciraq iyo taliyayaasha ciidamada Mareykanka.

Kulmadan ayaa lagu wadaa in Mattis uu kaga hadlo istaraaatiijiyada xasilinta Ciraq ee mustqbalka.

“Ma ahan wax si soo boodo ah u dhici doona, waxay u baahnaan doonaan Ciraq in gacan weyn oo ay horey ugu socdaan la siiyo” ayuu yiri.

Ciidamada Mareykanka ayaa hogaaaminaya xulufada dalalka duqeymaha ka dhanka ah kooxda Daacish ka waday dalka Ciraq, tan iyo sanaddii 2014.

Ciidamada Ciraq ayaa guul-weyn ka gaaray kooxda Daacish kadib markii ay bishii July si buuxda uga saareen magaalada Mosul oo ah magaalada labaad ee ugu weyn ee Ciraq.

Waxay sidoo kale axaddii billaabeen howlgal ay ku qabsanayaan magaalada Tal Afar oo 60 KM galbeed ka xigta magaalada Mosul.

XS
SM
MD
LG