Xiddigii hore ee kooxda Barcelona Neymar, oo hada u dheela kooxda PSG ee dalka Faransiiska, ayaa weerar afka ah ku qaaday guddiga maamula kooxdiisii hore.
Neymar oo hadlayey kadib kulankii shalay ay kooxdiisa PSG 6-2 kaga adkaatay naadiga Toulouse, ayaa sheegay in Barcelona ay u qalanto dad ka wanaagsan guddiga iminka maamula.
“Afar sano ayaan joogay kooxda Barcelona, waxaana kasoo tagey anigoo faraxsan, hase yeeshee kuma faraxsani guddiga kooxdaas maamula” ayuu yiri Neymar.
“Waxay ila tahay inaysan ahayn in kooxaas ay sii joogaan oo ay hagaan, Barcelona waxay u qalantaa dad ka wanaagsan kuwaas” ayuu yiri 25 jirka u dhashay dalka Brazil.
Neymar ayaa cayaartii shalay dhaliyey laba gool, isaga oo sidoo kalena caawiyey laba gool oo kale, waxaana labadiisii kulan ee ugu horreeyey ee kooxda PSG uu dhaliyey saddex gool, isaga oo saddex kale caawiyey.