Horyaalka dalka Jarmalka ee Bundesliga ee xilli ciyaareedkan cusub ayaa xalay si rasmi ah u furmay, iyadoona kooxda heysata horyaalnimada ee Bayern Munich ay guul ku bilaabatay kadib marki ay 3-1 ku garaacday Bayen Leverkusen.
Ciyaartan oo muddo 15 daqiiqo ah loo hakiyey roob culus oo ka da,ay garoonka Allianz Arena ee magaalada Munich ayaa waxaa marki ugu horeysay taariikhda horyaalka Jarmalka loo adeegsaday qalabka tiknoolojiga ah ee wax duuba ee ay FIFA iyo UEFA ugu talageen in lagu caawiyo garsoorayaasha.
Garsoore Tobias Stieler ayaa u baahday inuu la tashto garsoorayaasha maamulayey qalabka VAR ee tiknoolijiga ah kadib marki xerada ganaaxa lagu lagday weeraryahanka kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski. Wuxuuna ku abaalmariyey rigoore. Lewandowski ayaana rigoorahaasi gool u baddalay.
Goolasha kale waxaa Bayern u kala dhaliyey Niklas Sule oo difaaca ka ciyaara dhawaanna kooxdaasi uga soo biiray naadiga Hoffenheim iyo laacibka kale ee ay Bayern bishi July kala soo wareegtay kooxda Lyon ee Corentin Tolisso.
Goolka kaliyah ee Bayern Leverkusen waxaa dhaliyey Admir Mehmedi.
Bayern Munich oo ah kooxda ugu guulaha badan horyaalka Jarmalka, iyada ayaa qaadeysay horyaalka dalkaasi shanti sano ee lasoo dhaafay.
Ciyaaraha kale ee horyaalka Bundesliga-ha Jarmalka ee todobaadkaan kooxuhu waxay isu arki doonaan sidan:
Hamburger SV ? - ? Augsburg
Hertha Berlin ? - ? VfB Stuttgart
Hoffenheim ? - ? Werder Bremen
Mainz 05 ? - ? Hannover 96
Wolfsburg ? - ? Borussia Dortmund
Schalke 04 ? - ? RasenBallsport Leipzig
August 20
Freiburg? - ? Eintracht Frankfurt
Borussia Moenchengladbach? - ? FC Cologne