Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhimashada Dhiiqo-guurkii Sierra Leone oo Gaartay 400


Xabaalo loo qodayo dadka dhintay
Xabaalo loo qodayo dadka dhintay

QM ayaa maanta sheegtay in dhimashada dhiiqo-guurkii ka dhacay caasimadda dalka Sierra Leone ee Freetown ay gaartay 400 qof.

Qiyaastii 600 qof kale ayaa la la’yahay ayada oo shaqaalaha gurmadka ay meydad ka dhex raadinayaan dhiiqo culus iyo darbiyada guryo soo dumay.

Dadaallada gurmadka ayaa waxaa wiiqaya roobab weli ka da’aya magaalada, oo sidoo kale la saadaaliyey in maalmaha soo socda ay sii da’i doonaan.

Dowladda ayaa billowday inay aasto meydadkii lasoo helay khamiistii.

Madaxweynaha dalka Sierra Leone Ernest Bai Koromo oo ka hadlay munaasabadda aaska ayaa tacsi iyo taageero ku yaboohay.

“Inaga oo ku jirno barrordiiq, aan idiin xaqiijiyo inaan taageeri doonno qoysaska ay dadkooda dhinteen iyo kuwa dhaawaca ah, waxaan sii wadi doonaa inaan idin garab taagnaano” ayuu yiri.

XS
SM
MD
LG