Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamo Kale oo La Geynayo Afghanistan


General Joe Dunford
General Joe Dunford

Sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Mareykanka ayaa sheegay in maamulka madaxweyne Trump uu aad ugu dhawyahay inuu ku dhawaaqo istaraatiijiyad muddo dheer ah oo hadafkeedu yahay in lagu soo afjaro kooxda Taliban ee dalka Afganstan.

General Joe Dunford oo ah madaxa taliyaasha ciidanka Mareykanka ayaa sheegay in go,ankani uu jawaab u yahay dalab uu taliyaha ciidanka dhulka ee Mareykanka ee jooga Afghanstan General John Nicholson ku codsaday ciidamo caalami ah oo dheeraad ah.

Hadalkan ayaa yimid maalin kaddib marki la dilay askari ka tirsan ciidanka Mareykanka sidoo kalana la dhaawacay askar ka tirsan milatariga Afghanstan iyo Mareykanka xilli ay ku guda jireen howlgal ka dhan ah Daacish oo ka dhacay gobolka Nanghar ee bariga dalka Afghanistan.

Askariga Mareykanka ah ee Arbacadi lagu dilay Nanghar ayaa ahaa kii tobaan oo sanadkaan lagu dilayo Afghanstan.

XS
SM
MD
LG