Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxbuus Soomaali ah oo ku Geeriyooday India


India
India

Wararka ka imanaya dalka Hindiya ayaa sheegaya in maxbuus Soomaali ah uu xalay ku geeriyooday magaalada Mumbai.

Safaaradda Soomaaliya ee India ayaa VOA u xaqiijisay in Bashiir Bare oo ka mid ahaa dhallinyaro ku xirnayd Mumbai, dhawaanna wadanka loo soo celin lahaa uu ku geeriyooday cisbitaalka JJ hospital.

Safaaradda ayaa sheegtay in marxuumka dhintay ay cisbitaalka la joogeen markuu dhimanayay laba qof oo ehelkiisa ka tirsan.

Safaaradda Soomaaliya ee Hindiya waxay kaloo sheegtay in marxuumka dhintay uu qabay cudurrada TB iyo sonkor, muddona uu xannuunsanaa.

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya Ebyan Ladane ayaa VOA qoraal ugu sheegtay in kooxda u danbeysa oo ah 61 maxaabiis ah la filayo in la xukumo 19-ka bishan, waxaana ay sheegtay in marka xukunka lagu rido kadib ay bilaaban doonto in loo qaado Soomaaliya, taasina ay ka sugayaan dowladda Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG