Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Real Madrid oo Ku Guuleysatay Super Cup-ka Spain 


Real Madrid
Real Madrid

Kooxda Real Madrid ayaa hanatay koobka Super Cup-ka dalka Spain, kadib marki ay 2-0 ku garaacday xalay kooxda Barcelona, is araga labaad ee finalka koobkan.

Lugti koowaad ee ay labadani kooxood ciyaareen todobaadki hore ayaa Real waxay kusoo badisay 3-1, sidaasi daraadeed isu geynta goolasha ee labada lug ayaa ka dhigeysa in Barcelona looga badiyey 5-1.

Ciyaarti xalay, Real iyada ayaa ku gacan sarreysay, xittaa maqnaashaha xiddigooda sare ee Cristiano Ronaldo oo ganaaxan wax saameyn ah kuma yeelan.

Goolka hore waxaa Real u furay laacibka da,da yar Marco Asensio, halka goolka labaadna uu saxiixay Karim Benzema. Dhanka Barca aad ayey ugu cusleyd inay hesho gool, laba jeer ayey sigeen shabaqa Real markaasoo ay Messi iyo Suearez garaaceen tiirka goolka.

Real Madrid oo hadda ah horyaalka Yurub iyo kan Spain, ayaa u muuqata koox aanan la jibi karin. Sababta ugu weyn ayaa loo aaneynayaa laacibiinta ay heysato oo ah kuwo muddo isla ciyaarayey iyo tababare Zidane oo ah nin leh khibrad dhinaca kubadda cakta ah.

XS
SM
MD
LG