Isku xirrada

Gundogan oo 8 bilood kadib ku soo laabtay garoomada


Ilkay Gundogan

Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Manchester City Ilkay Gundogan ayaa dib ugu soo laabtay garoomada, kaddib muddo dhowr bil ah oo uu dhaawac ku maqnaa.

Cayaaryahanka u dhashay dalka Jarmalka, ayaa kulankiisii ugu horreeyey u saftay kooxdiisa muddo sideed bilood ah kadib, markii xalay ay cayaar saaxiibtinimo dalka Spain kula cayaareen kooxda Girona.

Gundogan oo dhaawac uu ka gaaray jilbka, intii ay socotay cayaar kooxdiisa ay la yeelatay naadiga Watford, bishii December ee sanaddii tagtay, ayaa safan kara kulankiisii ugu horreeyey ee ramsi ah, marka kooxdiisa ay marti-geliso naadiga Everton, habeenka Isniinta.

Gundogan ayaa garoonka soo galay daqiiqaddii 71-aad ee cayaarta ay la dheeleen Girona, waxaana kooxdiisa looga adkaaday 1-0.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG