Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tweet-ka Obama oo Noqday kii Loogu Jeclaa Taariikhda Twitter


 Barack Obama
Barack Obama

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa sabtidii barta twitter soo dhigay sawir kadib markii rabshadaha ay ka dillaaceen magaalada Charlottesville ee gobolka Virginia. Sawirkaas ayaa hadda noqday, tweet-kii loogu jeclaa ee taariikhda barta twitter.

Sawirka ayaa waxa uu muujinayaa Obama oo garabka ku haysta jaakad suud ah, islamarkaana eegaya caruur kasoo jeeda daaqad, oo isugu jira caddaan, madow iyo Asian.

“Qofna kuma dhasho naceybka qof kale sababtoo ah midabka jirkiisa ama halka uu kasoo jeedo ama diintiisa” ayuu Obama qoraal ahaan u raaciyey sawirkan.

Tweet-ka Obama ayaa yimid maalin kadib markii dadka caddaanimada la wayn tahay ay isugu soo baxeen Charlottesville, ayaga oo ka dibadbaxaya taalada jeneraal ka dagaalamay dagaalkii sokeeye ee Mareykanka, oo magaalada ay go’aansatay in la rido. Waxaa kadib ay isku dhaceen dibadbaxayaal kale oo kasoo horjeeday, halkaasi oo nin baabuur uu ku jiiray dadweyne ay ku dhimatay haweeney.

Tweet-ka Obama ayaa waxaa laga jeclaaday twitter in ka badan saddex milyan oo jeer.

Madaxweyne Donald Trump oo aqalka cad kala wareegay madaxweyne Obama ayaa dhinaciisa aad loogu cambaareeyey jawaabtii uu ka bixiyey dhacdadii Charlottesville.

XS
SM
MD
LG