Baarlamanaka Hirshabelle ayaa shalay sheegay inay xilkii ka qaadeen madaxweynihii maamulkaasi Cali Cabdullaahi Cosoble.
Baarlamanka oo ku kulmay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa codka kalsoonida u qaaday madaxweynaha, kadibna ku dhawaaqay in uu waayey, sidaasna uu ku dhacay.
Maanta ayaa haddaba Cali Cabdullaahi Cosoble uu tagay magaalada Jawhar, waxana uu sheegay in xil ka qaadistiisu ay ahayd sharci-darro.
Dhinaca kalena Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi ayaa ku adkaystay in xil ka qaadista ay ahayd sharci.
Warbixintan waxaa Beledweyne nooga soo diray Xuseen Xasan Dhaqane.