Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shiinaha oo Mareykanka uga Digay Dagaal Ganacsi


China ayaa sheegtay inay si adag u ilaalin doonto danaheeda dhaqaale haddii dowladda Mareykanka ay baaritaan rasmi ah ku billowdo tuhunka laga qabo in Shiinaha ay xadaan fikradaha ganacsi ee Mareykanka.

Wasaaradda ganacsiga Shiinaha ayaa maanta soo saartay digniintan, ayada oo jawaab uga dhigeysa amar madaxweyne oo kasoo baxay madaxweyne Donald Trump, kaasi oo ku amray wakiilka ganacsi Robert Lighthizer inuu baaritaan ku sameeyo tuhunka Shiinaha looga qabo inay xadaan taknoolajiyadda iyo fikradaha Mareykanka.

Haddii dowladda Mareykanka ay kiiskan guda gasho, waxay keeni kartaa inay ururka ganacsiga adduunka weydiisato in ganaax lagu soo rogo Shiinaha.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda ganacsiga Shiinaha ayay ku sheegtay in Beijing “aysan fariisan doonin oo aysan fiirsan doonin”, haddii Washington ay “iska indha-tirto xaqiiqda”, oo aysan ixtiraamin xeerarka caalamiga ah ee ganacsiga.

Hadalka maanta kasoo baxay ayaa sidoo kale la mid ah digniin uu isniintii jeediyey afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha, Hua Chunying oo sheegay in ficillada Trump ay hogaamin karaan dagaal ganacsi oo labada dalba ay ku khasaaraan.

XS
SM
MD
LG