Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenyatta oo Baaq u Diray Mucaaradka Kenya


Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay mucaaradka inay ka fogaadaan dibadbaxyada rabshadaha wata, islamarkaana diidmo kasta oo ay ka qabaan natiijada doorashadii dalkaas ka dhacday ay la aadan maxkamadda.

Kenyatta ayaa sidoo kale ugu baaqay booliska inay is-xakameeyaan marka ay la macaamilayaan dibadbaxayaasha iyo carrada ka dhalatay doorashadii dhacday sideeddii August.

“Xaqiiqdii, waxaan aaminsanahay inuusan jirin qof Kenyan ah oo doonaya inuu arko rabshado, bililiqo iyo dibadbaxyo dhaliya burbur hantiyeed” ayuu yiri Kenyatta.

Waxa uu intaas ku daray “Haddii uu jiro qof dareemaya in lagu gardarrooday ama dooneyn inuu aqbalo natiijada, waxaa jira hanaan dastuuri ah, oo arrintan loo dejiyey?.

Dhinaca kale, inkasta oo mucaaradka dalka Kenya ay shacabka ugu baaqeen inaysan maanta oo isniin ah shaqo tagin, ayaa haddana jawaabtii baaqaas laga bixiyey waxay u muuqatay mid xaddidan, ayada oo inta badan ganacsiga uu furan yahay.

Magaalada caasimadda ah ee Nairobi dukaamo badan ayaa dib loo furay maanta, islamakraana magaalada galbeed ee Kisumu ayaa markii ugu horreysay muddo maalmo ah waxaa waddooyinka socda baabuurta iyo basaska, oo aan shaqeyn tan iyo sideedii August.

XS
SM
MD
LG