Isku xirrada

Ciidamada Ethiopia oo Shacab ku Dilay Gedo


Ciidanka Ethiopia - itoobiya

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegay in saddex qof oo xoolo dhaqato ah ay dhinteen kadib markii sida la sheegay ay haleeshay rasaas ay fureen ciidamada Ethiopia.

Falkan ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Maay-Kaa Reebeey oo hoostaga magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka, wax yar ka dib markii meel aan halkaa ka fogeyn ay maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab kula dagaalameen ciidanka Itoobiyaanka ah.

Wariyeheenna Sahra Cabid Axmed oo la hadashay maamulka iyo dadka deegaanka ayaa faahfaahinta warkan inoo heysa.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG