Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Costa: Chelsea waxay iila dhaqmeysaa dambiile oo kale


Diego Costa
Diego Costa

Diego Costa ayaa ku eedeeyey kooxda Chelsea inay ula dhaqmeyso sida “dambiile”, wareysi uu siiyey wargeyska Daily Mail, oo u muuqda mid sii dheereyn doono kala go’o isaga iyo kooxdiisa.

Weeraryahankan ayaa doonaya inuu dib ugu laabto dalka Spain, inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga cayaartoyda, umana cayaarin kooxda Chelsea wixii ka dmabeeyey final-kii koobka FA ee bishii May.

Costa ayaa sheegay in macallin Antonio Conte uu usoo diray farriin qoraal ah, una sheegay inuusan ku jirin qorshihiisa xilli cayaareedkan cusub.

Costa oo lagu wareystay gurigiisa dalka Brazil ayaa sheegay inuu diiday inuu tababarka la qaato cayaartoyda da’da yar ee kooxda.

“Waxay doonayaan inaan la safto da’ yarta, la iimana ogola kooxda koowaad inaan xitaa u dhowaado. Anigu maahi dambiile, xaqna maaha sida la iila dhaqmayo” ayuu u u sheegay wargeyska Dail Mail.

Costa ayaa sheegay in ganaax lacageed ay kooxda saarto toddobaad kasta, hase yeeshee uu diyaar u yahay inuu sidaas ku dhameysto qandaraaskiisa kooxda.

XS
SM
MD
LG