Isku xirrada

Burkina Faso: 18 Lagu Dilay Weerar Maqaayad


Qof ku dhaawacmay weerarka oo la caawinayo

Ciidamada amamanka Burkina Faso ayaa soo geba gebeeyey howlgal ka dhan ahaa dabley axaddii weerar ku qaaday maqaayad ku taalla caasimadda dalkaas, halkaas oo ay ku dileen 18 qof, islamarkaana ay sideed kale ku dhaawaceen.

Dalalka ay u kala dhasheen dhibanayaasha weerarkan ayaan weli la shaacin.

Laba ka mid ah jihaadiisteyaasha fuliyey weerarka lagu qaaday Aziz Istanbul, oo ah mayaqaad Turkish ah oo ku taalla Ouagadougou, ayaa lagu dilay iska horimaadka. Illaa iyo hadda ma cadda tirada dableyda ku lug lahayd weerarka.

Qaar ka mid ah dadkii ku sugnaa maqaayadda ayaa waxaa u suurta galay inay baxsadaan markii dableyda ay rasaasta fureen, hase yeeshee qaar kale ayaa ku xanibmay gudaha.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Dalka Burkina Faso ayaa waxa uu dhinaca waqooyi xuduud kala wadaagaa dalka Mali, oo muddo la dagaalamayey xagjiriin islaami ah.

Bishii Janaayo ee 2016-kii ayaa weerar lagu qaaday hotel ku yaalla magaalada Ouagadougou waxaa lagu dilay 30 qof. Weerarkaas ayaa waxaa sheegtay Al-Qacidada Magribta Islaamiga ah.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG