Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Abu-Mansuur oo Tagay Xuddur


Sheekh Mukhtaar Robow Abu Mansuur oo horey uga tirsanaa ururka Al-Shabab ayaa yimid magaalada Xuddur maanta sida ay idaacdada VOA u sheegeen mas’uuliyiinta dawladda.

Shiine Macalin Nuurow oo ah Taliyaha Ciidamada gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa VOA u sheegay in Mukhtaar Rooobow Abu Mnasuur uu haatan ku sugan yahay magaalada Xudur halkaasi oo uu soo gaadhay saaka.

Saraakiisha dawladda ayaa la sheegay inay xalay kulan kula yeesheen tuulada Abal Mukhtaar Roobow kadibna ay ku heshiiyeen inay yimaadaan magaalada Xudur.

Mukhtaar Roobow ayaa maalmihii la soo dhaafay dagaallo kula jiray maleeshiyada Al-Shabab oo weeraray saldhiggiisa.

Bishii Juun ee aynu soo dhaafnay ayaa Roobow laga saaray liiska dad ay si weyn u raadinaysay dawladda Maraykanka, waxaana la sheegay in markaas kadib ay Al-Shabab ay bilaabeen inay ka saaraan degaannada uu ku jiro taasi oo ana u suurtogelin.

Ilaa 19 qof ayaa ku dhimatay dagaalladan maalmahan dhexmarayey maleeshiyada Al-Shabab iyo kuwa Mukhtara Roobow.

XS
SM
MD
LG