Isku xirrada

Horyaalka Ingiriiska oo Xalay Si Rasmi ah Loo Furay


Aaron Ramsey oo dabaaldagaya

Horyaalka Premier League Ingiriiska ee xilli ciyaareedkan 2017-2018-ka ayaa si rasmi ah u bilowday xalay fiidkii xilliga Geeska Africa, iyadoo kooxda Arsenal ay ku furfuratay guul kadib marki ay 4-3 kaga ku garaacday Leicester City.

Guusha ay Arsenal ku bilaabatay horyaalka oo aheyd mid ay ku keentay si macangagnimo leh ayaa waxaa aakhirkii ciyaarta u xaqiijiyey weeraryahan Olivier Giroud oo ciyaarta badal kusoo galay.

Arsenal iyada ayaa bilowday goolasha, waxaana daqiiqadii 2-aad ee ciyaarta u daah furay laacibkeeda cusub Alexandre Lacazette, wuxuu ahaa goolkiisii ugu horeeyey ee uu ka dhaliyo Horyaalka Ingiriiska iyo sidoo kale goolki ugu horreeyey ee xilli ciyaareedkan laga dhaliyo Premier League –ga.

Laakin laba daqiiqo kadib ayey Leicester u jawaabtay, waxaana goolka barbarraha u keenay Shinji Okazaki, goolka xigana waxaa daba dhigay Vardy. Arsenal oo ku ciyaareysay garoonkeeda Emirates Stadium ayaa ka daba tagtay, waxaana ciyaarta 2-2 ka dhigay Danny Welbeck.

Leicester ayaa mar kale qabatay hogaanka ciyaarta, waxaana goolka sadexaad u dhaliyey Vardy oo madaxa la helay kubad uu koonaha kasoo laaday Riyad Mahrez. Macalin Wenger tababaraha Arsenal ayaa markaasi go,aansaday inuu ciyaarta wax ka badalo, isaga oo hal mar wada keenay laba ciyaaryahan taasoo sabab u noqotay soo laabashada Arsenal.

Waxana Arsenal ugu danbeyntii ay ku badisay laba gool oo ay u kala dhaliyeen Ramsey iyo Giroud oo ahaa xidigihi uu tababaraha badalka kusoo geliyey ciyaarta.

Ciyaaraha kale ee todobaadka koowaad ee horyaalka Ingiriiska intooda badan waxay dhici doonaan galabta iyo caawa fiidkii, waxana kooxuhu ay isaga hor imaan doonaan sidan:

Sabti, August 12, 2017 waxaa is arkaha kooxahan

Watford ? - ? Liverpool
Chelsea ? - ? Burnley
Crystal Palace ? - ? Huddersfield Town
Everton ? - ? Stoke City
Southampton ? - ? Swansea City
West Bromwich Albion ? - ? AFC Bournemouth
Brighton & Hove Albion ? - ? Manchester City

Axada, August 13, 2017. Waxaa dheeli doona:

Newcastle United? - ? Tottenham Hotspur
Manchester United? - ? West Ham United.

Natiijooyinka kasoo baxa halkaan kala soco.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG