Isku xirrada

Weeraryahanka dalka Brazil, Neymar ayaa loo ogolaan doonaa inuu kulankiisii ugu horreeyey ee horyaalka Ligue 1 u safto kooxda PSG, kadib markii xiriirka kubadda cagta Faransiiska ay maanta xaqiijiyeen inay shahaadada soo wareejinta cayaaryahanka ka haleen dhiggooda dalka Spain.

“Xiriirka FFF waxa uu xaqiijinayaa inay shahaadada soo wareejinta cayaaryahan Neymar uu ka helay xiriirka RFEF” ayaa lagu yiri qoraal xiriirka FFF uu soo dhigay twitter.

Neymar oo 261 milyan oo dollar uga soo wareegay kooxda Barcelona, isaga oo noqday xiddiga ugu qaalisan dunida, ayaan ka hor shahaadadan loo ogoleyn inuu u safto kooxdiisa Paris Saint Germain.

PSG oo kulankii ugu horreeyey horyaalka 2-0 kaga adkaatay kooxda Amiens ayaa u safri doonta kooxda Avant Guingamp oo ay la cayaareyso axadda.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG