Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran oo ciqaabtay cayaartoy wajahay Israel


Iran
Iran

Laba cayaaryahan oo u dhashay Iran, ayaa laga reebay xulka qaranka, si loogu ciqaabo inay wajaheen koox ka dhisan Israel, ayaga oo u cayaaraya koox ka dhisan dalka Greece, sida ay sheegtay wasaaradda cayaaraha dalkaas.

Masoud Shojaie iyo Ehsan Hajsafi ayaa u cayaarayey kooxda reer Greece ee Panionios markii ay ka hortagtay kooxda Maccabi Tel Aviv ee Israel, saddexdii August.

Iran uma aqoonsana Israel inay tahay dal.

"Hajsafi iyo Shojaie wax boos ah ugama banaana xulka qaranka Iran, waxay ka gudbeen qadkii casaa ee Iran” Waxaa sidaas yiri wasiir ku xigeenka cayaaraha Iran Mohammad Reza Davarzani.

“Inaad la cayaarto, adiga oo kasoo horkeeda talis naceyb ku dhisan waa wax aanu qarankeena aqbali karin” ayuu yiri.

XS
SM
MD
LG